Muxuu yahay gadowne news.????
December 10, 2011 // admin // WarkaGadowne news waxaa uu ka mid ahaa websaayaddaha ka dhex shaqeyn jirey guddaha swiss-ka waxaa si toos ah looga akhrisan jirey dhamaan sports-ka caalamka, waxaannu aheyd goupe ka kooban dhowr iyo labaatan qof, haseeyeeshee waxaa is bedel ku yimid dhamaan sports-kii berigaa jirey ayadoo xareeyey qilaaf , sida ay somalida aadi u leedahay.
Maamulaha guud oo ah milkiilaha web, AbdiRashiid Shariif ayaa isla markiiba u bedeley web caalami ah oo dhamaan u wada siman yahay shacabka, waxaan dib u bilaabney in aan dhaqan gelino akhbaarta dunida si aan uga adeegno shacabka soomaaliyeed, oo dhibaatadu wax yeeleysey mudada labaatanka sano kor u dhaaftey.
Waxaan billaabney in aan xafiis yer ka sameysano muqdisho, somalia ayadoo cabsi weyn jirto dhinacyada is hayda siyaasadda somalia. inkastoo xaalada ay aad u culustahay hadana waxaan isku deyi-jirney in aan soo helno wixii cusub markaa taagan, websaayaddaha ka jira gudaaha iyo dibadda ayaa aad u batey, isbedelo badan ayaa soo ifbaxey maadaama ay weli dhibaataddii somali dhamaanin.
haddaba gadowne waxaa uu ka mid yahay is bedelka jira ee qarniga cusub, ka dhiibo fikirkaaga iyo aragtiddaada waxa aad ka qabto www.gadowne.com waa web dhexdhaxaad ah una taagan la shaqeynta shacabka iyo inta dhibaataddu wax yeeleysey iyo taageerrida shacabka.
W/Q Admin AbdRashiid/Deerow:
Lausanne/Switzerland.
AbdiRashiid, Deerow
Gadowne news.







