digg icon delicious icon

Baarlamaanka somalia oo isku diyaarineya Madax cusub.

August 20, 2012   //     //   Warka

 

Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay ugu codayn lahaayeen Madaxwayne cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya,  kaasi oo ka madax banaan waqtiga KMGs ah ee ay horay ugu soo shaqayn jireen Madaxwaynayaashii hore ee soo Maray dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay sanadkii 1991kii.

 

 

Madax waynaha cusub ee ay yeelanayso Soomaaliya ayaa waxaa uu awooda dalka hayn doonaa sida ku xusan waqtiga loogu talo galay inuu hayo Madaxwaynihii yimaada sideed sano kaasi oo meesha ka saaraya waqtiga KMGs ah ee ay Qaramada Midoobay horay u taageeraysay.

 

 

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wadooyinka magaalada lagu daadiyay ciidamo amaan iyo kuwa Police ah si ay u ilaaliyaan amaanka guudahaan magaalada iyo wadooyinka Muqdisho.

 

 

Musharaxiin badan ayaa la sheegayaa inay isa soo diiwaan galiyeen kuwaasi oo ay si wayn uga dhexmuuqdaan Madaxwaynaha uu xilkiisa maanta ku egyahay ee sh,Shariif Sh, Axmed iyo Raisulwasaare C/wali Moxe’d Cali Gaas.

 

 

Sidoo kale golaha cusub ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa iyaguna ka koobnaan doona 275 xubnood kuwaasi oo 54 xildhibaan oo kamid ah ay maalinta berito ah qaban doonaan kulankoodii ugu horeeyay ee coddaynta.

 

 

215 kale ee xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ku filan yihiin sidii ay cod qarsoodi ah ugu dooran laahaayeen Madaxwaynaha cusub ee dalka Soomaaliya yeelanayo.

 

 

Sidoo kale gudiga farsamada ayaa iyagana la sheegayaa inay soo dooranayaan Raisulwasaaraaha cusub ee dowlada Soomaaliya yeelanayso.

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube