digg icon delicious icon

Ciidamada DKMGs oo dhacey Dhaqaalihii Afgooye.

August 9, 2012   //     //   Warka

Ciidamo ka tirsan DKMG ah ayaa la sheegay inay dhac u gaysteen Kastamkii Canshuuraha ee degmada Afgooye. Gudoomiye ku xiggeenka arrimaha dhaqaalaha ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya C/fitaax Cali Yuusuf oo la hadlay saxaafada  ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tisan Dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ay dhac ka gaysteen Xaruntii Canshuuraha ee degmada Afgooye. 

 

C/fitaax Cali Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ragga waxa dhacay ay ahaayeen Ciidamo Milatari ah oo ka tirsan dowladda islamarkaana wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada iyagoo ka warhaya in halkaasi ay tahay Xarunta Canshuuraha ay kula dhaqaaqeen dhaca sida uu hadalka u dhigay. 

 

Ciidamadii Militariga ee DKMG ayaa Xarunta Canshuuraha la wareegay meesha waxay ka sameeyeen wax aan ogoleyn sharciga oo dhac ayay ka geysteen” sidaasi waxaa yiri guddomiye ku xiggeenka arrimaha dhaqaalaha ee Maamulka Sh/hoose. 

 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli dadka ku sugan halkaasi ay ka cabaayaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada  Dowladda KMG Soomaaliya oo dhac u gaysta.

 

 

Afgooye, Somalia, Gadowne News.

gadowne@hotmail.com

 

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube