Madaxweyne Maxamed Axmed Caalam oo cabasho gudbiyey.
August 19, 2012 // admin1 // WarkaMadaxweynaha ee Maamulka Galmudug State Maxamed Axmed Caalim ayaa sheegay inuu beesha Caalamka u gudbiyay dacwo ka dhan ah Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Cabdi Qeybdiid, Caalim ayaa ilaa iyo iminka ka cabanaayo qaabka ay u dhacday doorashada Galmudug waxa uuna sheegay inay ahayd doorasho xatooyo ah.
Mr Caalim oo garabsanaayo tiro waxgarad iyo Siyaasiyiin ayaa iminka cabasho u gudbiyay Qaramada Midoobay isagoo ka codsaday Qaramada Midoobay inay wafdi u diraan Galmudug islamarkaana ka shaqeeyan xal u helida siyaasada kacsan ee Galmudug
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug State Maxamed Axmed Caalim waxa uu iminka sheegay inuu rajo ka qabo in dib loo soo qaban-qaabiyo doorashada Maamulka Galmudug wuxuuna intaa kusii daray Caalim in xiligaani Galmudug looga baahan yahay Madaxweyne ku xeel dheer siyaasada …. Sida uu hadalka ku xusey.
Gadowne News,
Ugu danbeyntii Caalim ayaa bulshada Galmudug ka codsaday inay tix-galiyaan siyaasadii hore iyo maamulkii talada dalka horay gacanta ugu hayay islamarkaana u dhaga nuglaadan ka shaqeynta nabada iyo amaanka Galmudug







