digg icon delicious icon

Qaramada midoowe oo u sheegtey Mas’uuliyiinta DKMGs Beri ku egtahay Xilkooda.

August 19, 2012   //     //   Warka

 

 

Muqdisho(Gadowne News Danjireyaasha dowladaha Yurub iyo Mareykanka ufadhiya Soomaliya ayaa  soo gaadhay magaalada Muqdisho iyagoo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan qaramada Midoobay waxaayna sheegeen in maalinta berito ah ay ku egtahay xilka madaxda dowladda Soomaaliya marka laga reebo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

 

 

 

Kulan ay maanta ku yeesheen garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho danjireyaashaa wadamada Mareykanka, Britain, Talyaaniga Turkiga iyo Augustine Mahega ayaa waxa ay kaga hadleen sida waqtiga loogu talagay ay ugu dhamaan lahaayeen howlaha dowladda si loo soo dhiso dowladda cusub.

 

 

Augustine Mahega oo saxaafadda u qabtay shir jaraa’ida ayaa tibaaxay in waqtiga loo qabtay in lagu dhameeyo howlaha u harsan dowladda aan wax waqti ah lagu dareysin si loo dhiso dowladda cusub oo ay yeelato Soomaaliya waxa uuna tibaaxay in 20 august ay ku egtahay xilka mas’uuliyiinta dowladda marka laga reebo Madaxweyne Sheekh Shariif kaas oo si KMG ah u haynaya xilka.

Sidoo kale mahiige ayaa intaa ku daray in beesha caalamka ay ka go’antahay sidii ay u dhisilahaayeen dowlad dhameystiran oo ay yeelato dalka Soomaaliya.

 

 

Muqdisho Somalia.

gadowne@hotmail.com

Gadowne News.

 

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube