digg icon delicious icon

AMISOM oo sheegtey in y sameyndoonaan,Janaay Cabdalla wixii ka dhacey.

September 24, 2012   //     //   Warka

Ciidamada Dalka Kenya ee ka dagalamaya gobolka Jubada Hoose ayaa ku dilay deegaanka Janaay Cabdalla dad Xoolo dhaqato ahaa kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 7 qof, sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Dawladda Soomaaliya ee la socda kuwa Kenya ee ku sugan Jubbooyinka.

 

Afhayeenka Ciidanka Dawladda Soomaaliya ee Jubbooyinka Col.Rufle ayaa mar uu la hadlaayey Wrbaahinta BBC sheegay in xasuuqaasi uu yahay mid jira Ciidamada Kenya ay dileen dad Xoolo dhaqato ah oo gaaraya 7 qof.

 

Maalintii shalay ayaa Xarakada al-Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen Ciidamada Kenya ee ku sugan difaaca Janaau Cabdalla oo 50km u jirta magaalada Kenya, weerarka oo ahaa mid gaadmo ah aya Xarakadu sheegeen in ay gawaari badan ku gubeen ciidamo badana ku laayeen kadibna si nabada uga soo baxeen halkii ay weerareen.

 

Afhayeen Col.Rufle ayaa sheegay in dagaalkaas Shabaab soo qaadeen kadib ay ciidamada Kenya soo qabqabteen dad reer guuraa ah oo meesha ka dhawaa, isla markiibana way laayeen.

 

Col.Rufle ayaa sheegay in ay kala hadleen Saraakiisha Kenya arintaas oo laga codsadey in ay ka bixiyaan raaligelin isla amrkaana bixiyan magtii dadka ay laayeen, waxay ku jawaabeen waxaan dhiigayaga u daadineynaa waa xoreynta dadka Soomaalida ee ma dooneyno in aan bixino dalabka aad sheegteen.

 

Ciidamada Kenya ayaa la sheegey in ay hadda ku hawlagalayaan magaca AMISOM. Afhayeenka AMISOM Col.Cali Adan ayaa sheegay in ay baarayaan dhacadaadn, haddii ay ku cadaato ciidamada Kenya in ay qaadi doonaan tallaabo adag.

 

Isku dubaridaha gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobey Mark Bowden ayaa dhamaadkii todobaadkii hore dalka Kenya kala hadley in la ilaaliyo dadka shacabka ah ee aan dagaalada k jirin, taas oo Kenya ballan qaadey, waxase lagu yaqaanaa dalka kenya in aysan wax raali ah ka bixin tacadiyada ay u geystan dadka shacabka taas oo marar badan ka dhacdey gobolka Soomaalida ee dalka Kenya ka taliyo.

 

 

 

Gadowne News

gadowne@hotmail.com.

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube