digg icon delicious icon

Ayaan hassan Nuur oo tirisey gabay ka turjumeya xaaladaha waqtigaan jira.

October 28, 2012   //     //   Gabayadda

Xilqaad

Dali ma dhismo hadaan dadkiisa jirin
Dowladina ma dhalato hadaan laisku doobneyn
Nafina lawaa hadaan nabadi laheyn

Calankuna ma curoobo hadaan la ciseynin

Xisbina lawaa hadaan xoriyad laheyn
Xaaladeynuna waa xuntahey hadaanan nin xilqaadikarin

 

Yaa ii hadlaayo maanta

 

Yaan isku haleeyaa oo ee hadlaayo maanta
Yaa I daryeelaayo oo ee dhisi dalkeyga
Yaa ega horeeya oo dunida e hogaaminaayo
Yaa alif ebaraayo oo iftiinka etusinaayo

Yaa mustaqbil esiiyo oo masuul ega dhigo
Yaa qabiil ega qabta oo qaribkiisa ega qariyo

Yaa daahir ega dhigo oo deenta ebaraayo
Yaa sharaf ee yeelo oo sharci ee dhigaayo
Yaa taariiqda etuso oo tusaalo esiinaayo
Yaa jano duni esiiyo oo jaceyl egu korinaayo
Yaa nafteyda badbaadiyo oo naxariista ebaraayo

Yaan isku haleeyaa oo ee hadlaayo maanta

Waxbadan

Waxbadan baan doonayaa oo rabey dadaal
Waxbadan baa diidayaa oo aan dib ugu noqon
Waxbadan baan wareegayoo oo yaraa waxterkeyga

Waxbadan baan dhisayoo oo u dhagtaagey meel dheer
Waxbadan baan rabey waqtiga in uu waheshado wanaaga
Waxbadan baan dhaxlayoo oo maanta idhibaayo
Waxbadan baan dhowrayoo oo rabey dhiirogalis
Waxbadan baan dhuuxayey oo laheyn dhadhan
Waxbadan baan dhigayoo oo u dhowri dhalaankeena
Waxbadan baan safar ahaayoo oo sugaayey soonoqosho
Waxbadana waxi iima’aha hadaanan waxqabandoonin

Hadal samaan

Sodon sanaa jiraa dunidana safar ku socdaa

Sababtaan u soo tageyna maanta la esu’aali

Silaca aan soomarneyna waa mid aanan laga sabreyn
Sidey wax u socdaana waa mid aanan safiri karin
Sahalna ma ahoo oo esaameyn si gooni
Somalina ega sugeysaa hadal sooban
Sidee sameeyaa oo ah sidee fiican?

Halgan

Halkani waan hubaa in aan wax ku habeen karno
Hadii aanu helno waxaan kuligeen u halgano
Horteenuna ha ahaato in aan hawshani hergalino
Hamigeenuna yahey in aan kuli hormarno
Hishiiskeenuna waa mid aan la hor istaageyn

Hanagana harina oo hali wax ma habeenkaree
Hayena matiri oo ma hubtaa in aaden dib u hareen
Hooygeenuna ku heleynaa anagoo hal ah

Maxaa

Maxaa u dhimani hadaaden magac reebeynin
Maxaa u dhimani hadaaden dhulkaaga dhiseynin
Maxaa u dhimani hadaaden sharciga dhowreenin
Maxaa u dhimani hadaaden rabin in somali ay ugu sareeyso
Maxaa u dhimani hadaaden rabin in ubadkeena uu arko anfacaaga
Maxaa u dhimani hadaaden rabin in qabiilkasta aad siiso qaybtiisa
Maxaa u dhimani hadaaden rabin in aad xaqa dhoortid
Maxaa u dhimani hadaaden taariiq toosan reybeynin
Maxaad u dhimani hadaaden nabadi naftaada u horeynin
Maxaad u dhimatey hadaadan hubin in halgankaagu hirgali doono
Kuwaani lama hubee waxey u dhinteenee ee adigu maxaad u dhimani manta?

Meher

Nololi waa riyo macaan oo aan raageyninee
Naagina waxey u nooshahey waa ninkeedee
Anigana wahelkeygu waa adiga ee
Nefteeduna way rabtaa raaxadaadee
Ninkastana ma ‘aha waxa aan dooneyee
Noloshu waxey leedahey waa waqtiga ee
Adigana in aan ku helo waa hamigeyga ee
Waan hubaa waana rabaa adiga ee
Hadii aan ismahersan meyeynan kulahabooneyn?

Jaahil

Jaahilnimo soo ma’aha kuwii isku jinsi ahoo oo aanan isjeclaaneyn

Jaahilnimo soo ma’aha kuwii iswadajir aanan u jeedin

Jaahilnimo soo ma’aha kuwii been iyo dac moodey dheef

Jaahilnimo soo ma’aha kuwii in ay wafdiyaan dunida ka doortay dalkooda
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii badarkoodii dhaafsadey in ay banaanka u baryoodaan

Jaahilnimo soo ma’aha kuwii isku taageeray in ay istirtiraan
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii aanan niyeesan iney nabad helaan
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii cilmigooda aanan ku camafalan
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii magacooda dhaafsadey marqaan
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii qabiil moodey qeyr
Jaahilnimo soo ma’aha kuwii taariiqda aanan tosaale ka qaadan
Jaahilnimo soo am’aha kuwii anaga dhaafsadey aniga

Dal la’aantiis ma’anaa dugsi lahaan lahaa
Dad la’aantiis ma’anaa daris yeelan lahaa
Dhaqan la’aantiis ma’anaa dhaanteen lahaa
Diin la’aanteed ma’anaa daahir noqon lahaa
Cilmi la’aantiis ma’anaa wax aqoon lahaa
Nin la’aantees ma’anaa noolaan lahaa
Damac la’aantees ma’anaa wax dareemi lahaa
Raaxo la’aanteed ma’anaa raaliyo noqonlahaa

Nin

Nin ku jacel baa jano duni ku siiyo
Nin kuu naxaayo baa kuu naxariisto
Nin shaqsiyadaada og baa ku sharfo
Nin cilmi kula rabo baa ku hormariyo
Nin rabo wahelkaaga ayaa dunida ku maaweeliyo
Nin baahidaada og ayaa biri ku badbaadiyo
Nin feero dheer baa figrad ku seeyo
Nin deen lehbaa waligaa ku daryeelo
Nin axdi lehbaa wax kuu oofiyo

Nin ku dhawrayo baa ku dhaqdo

Hamigeyga

Maxaa hawo eqaadayoo oo hurdi waayey habeenkii

Maxaan dunida wax damcayoo oo dooqeyga daydayey

Maxaan nin badan deedayoo oo moodey doqon

Maxaan sugey sanad kastoo oo samerka ega suuley

Maxaan calafkeyga u ciyayoo oo wili uusan ee celin

Maxaan sharoodo badan sheegtayoo oo waayey shukaansi

Maxaan dayey mid kaamil ahoo oo wili aanan la kulmin

Maxaan dooney goor oo waligoobayaa

 Rageenii narogeyn

Madaxiinaa weynee ee yaa maskaxleh

Masuul ma ihideenee ee yaa maamuli dowladani
Dalkena waa dudumiseenee ee yaa dambiga lasaari
Dadkeenana waad disheynee ee yaa idindoorani
Dumarkeeneena dayacdeenee ee yaa dugeysani
Caruurteeneena cidleyseenee ee yaa wax u ceymeyni
Qabiilna waad nooqeybiseenee ee yaa wax qabani
Somali waa didiseenee ee yaa dib u soo celini
Tanina waa taariiqdiinee ee yaa tirtiridooni

  

 By Ayaan Nuur,Toronto Canada. 

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube