Ayaan hassan Nuur oo tireysey gabey ka hadleya Nolasha lamaanaha.
October 31, 2012 // admin1 // SuugaantaAyaan hassan Guulled oo mar kale tireysay Gabayo oo ka hadleya nolasha , ayaan oo ah abwaanad hada soo koreyso welina soo fuulin masraxa somalida balse ah gabar ilaah ku hibeystey gabayadda.
ayaan waxay aad u Jeceyshahay in ay ka hadasho waqtigaan oo dadku aad u qoomameeyo,somalia waxaa ka taagan dhibaato ayaana hassan guuled waxay inta badan eegtaa mugdiga ka jira somalia sida looga baxeyo in wada noolaanshahay labada lamaane.
Ninkeyga
Ninkaan raadinaayey oo Rabigeyna elarabey soo ma ‘aha adiga
Ninkaan arigtidiisa aan aad ugu oomanayhey soo ma ‘aha adiga
Ninkaan niyadeedu raacdey oo niman badan ka doortey soo ma’aha adiga
Ninkaan aad isku fahaney oo isku figrad dhawnahey soo ma’aha adiga
Ninkaan nafteyda larabo oo raaliyo u noqondoono soo ma’aha adiga
Ninkaan rabo jaceylkiisa iyo in uu waligiis elajoogo soo ma’aha adiga
Ninkaan rabo wahilkiisa ilaa aan waayeel noqdo soo ma’aha adiga
Ninkaan kuriyooday oo maantana run ee noqdey soo ma’aha adiga
Hadaan
Hadaan qeyliyo la igu qoslin
Hadaan qalinka qaatona la iqeymeyn
Hadaan isla qumanaheyna qofkasta ila qaldan
Hadaan qabiil aheyna dadku kala qeybsan
Hadaan wax qaldana cidi ima qaban
Hadaan qeyr wadana Somaali waa qani
Dumarkeena
Dumarkeenu soo ma’aha dunida dahabkiisa
Nafluhuna meeshuu nabadi ku helaa soo ma’aha naagaheena
Noloshuna meeshey naxariisi kuheshaa soo ma’aha naagaheena
Ninkastana waxuu raadiyaa soo ma’aha naagaheena
Quruxda oo dhana kuwii lagu qeyaasey soo ma’aha naagaheena
Ee ragoow qiimaheyna dhowra oo qarankeena noo dhisa
Isfahan
Ninwalboow figradaadu waa meeshii fiiradaadu tahayee
Arigtidaaduna adiga uun baa ishaarikaroee
Nina ha ceynina oo dadku waa kala ceynee
Noloshuna noorkeedu tahey anagoo kala noocee
Isfahan emaanayaa hadaanu isla fadhinee
Figradkastana aanu fiirino intaanan fogeyninee
Dhinackastana isla dhigno intaanu dhameysaninee
Dhaqankeenuna yahey in aan wax isla dhanee
Daawadeenuna tahey anagoo isku daacadee
Dhamaanteenuna dhowrnaa meeshii loo dhan yahey ee
Ayaan hssan Nuur Toronto Canada.
Ayaan hassan Nuur oo tirisey gabay ka turjumeya xaaladaha waqtigaan jira.







