gabey xaalada jirta somalia Abdirashiid/deerow.
November 18, 2012 // admin1 // Suugaanta, Warkagabeygaan wuxuu ka hadlaa xaalada ku soo korartey dunida iyo is bdelka soo if baxeya dhinaca arabta, marxaladdii soo martey somalia, wax la fili karo waqtigaan iyo qarniga cusub iyo sanadka soo socodo, siyaasadda somalia iyo rajaddii dadka oo mogdi galeyso.
Dunidda Isbedelka ka jirra.
Isbedelka Muuqada iyo Arabta oo hurdadii ka toostey
Dal lagu duulo dal la dumiyo degaal daba-qabasho laheyn dunidda ku raagey
Dedaal dhamaad lahayn dulmi ma guuraan ah, ayaa isdaba yaalla
Dal daawo laheyn dawlada cadaalad jirin dadkiisa ku duleysan
Dal diyaarado laheyn ilo dhaqaalo laheyn ku tiirsan dunida
Dal abood laheyn difaacan karin dalkiisa dunidu boobeyso
Dal loo taliyo tusaalo laheyn dunida u hogaansan
Dad dhaliil laheyn dhayiri kareynin dhaawacooda la dhayo
Dad isku talo aheyn kal taala oo loo kala dabqaado
Dad isku dhaqan ah hadana kala duragsan
Dad isku dan ah kal gedisan dantooda
Dad careysan hadana kala careysan dan waddaag laheyn
Dulmi iyo duulaan dunida looga harey ayaa nagu raagey illaahyow adigaa ka saari kara dalka
Ayaan hassan Nuur oo tirisey gabay ka turjumeya xaaladaha waqtigaan jira.
By AbdiRashiid/Deerow:
gadowne News







