digg icon delicious icon

Hassan sheekh Max’ud oo ku celiyey Maamul Kismaayo.

November 15, 2012   //     //   Maqal

Hadal dheer oo uu jeediyey Madaxweynaha kooxda Ri’dada ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu ku sheegay in uu maamul u samaynayo, Gobolada Jubbooyinka, wuxuu hadalkiisa kamid ahaa,  Jammuuriyadda Soomaaliya, wuxuu diidan yahay in uu yiraahdo, Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha somaliya hassan sheekh maxamuud
oo ku celiye maamulka kismaayo.

Horaan sharaxaad oga bixinay, Farqiga u dhaxeeya, Jammuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah. Shalay ayey ahayd markii ay jabiyeen Dastuurkii gaaladu u dajisay, Qodobkiisa 97, Farqada 2Aad oo dhigaya in Raisalwasaruhu uu soo magacaabo, Wasiiro iyo ku xigeeno, wuxuuna magacaabay Wasiiro kaliya oo shalay si Afduuba lagu meel mariyey.

 

 

Qabiilada Soomaaliya, ayaa sida muuqata isku layn doona, qaabka Federaalka ah oo ah Gobolada hala kala qaybsado, taasi waxay keenaysaa, xuduudaha Gobolada lawada dagan yahay in la isku laayo. Qabiilada ciidamada shisheeye ee Kenya horkacaya waxay aamisan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo in hal qabiil leeyahay, sidoo kale Gobolada Puntland la baxay ayaa aamisan dhowr Qabiil oo Soomaali kamida in ay leeyihiin.

 

 

Waxaa adkaan doonta sida ay u wada noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliya oo gaaladu ay ka shaqaynayso sidii dagaaladii Sokeeyo loo soo celin lahaa, Gobalka SSC Sool, Sanaag iyo Cayn la baxay ayey ahayd markii dhawaan kumanaan Soomaaliya, ay ku dhinteen, kadib markii Qabiilada halkaas dagan ay isku qabsadeen deegaanka, taas oo kalana waxay kasoo socotaa,Gobolada dhexe, Gedo iyo Jubbooyinka oo lagu sii daabulayo, ciidamo shisheeye, Hub iyo Rasaas.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Md xasan sheekh maxamuud oo shaaca ka qaadey arinta kismaayo.

 

gadowne@hotmail.com.

Muqdisho, Somaliya.


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube