Xulka qaranka somalia iyo Brundi oo wada cayaareya
November 25, 2012 // admin1 // Cayaarah, WarkaXulka Soomaaliya oo loo yaqaan xidigaha badweynta ( OCEAN STARS ) oo ka mid 12-ka dal ee ka qeyb galaya cecafa2012 oo shalay ka bilowday garoonka qaranka ee Mandela Stadium Campale Uganda. (GroupB) oo ay isku arkayaan dalalka Soomaaliya, Brundi, Tanzania iyo Sudan.
Xulka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa 22 jeer kasoo qeyb galay 36-kii jeer ee la qabtay cecafa cup , inkastoo aanu waligii koobka ku guuleysan wuxuuna cayaartoyda somalia Ocean Starts soo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda 9/11/2011, wuxuuna ka kooban yahay 28 ciyaartoy oo 7 ka mid dibada laga keenay iyo tababare cusub african ah oo u dhashey Uganda.
xulka qaranka Soomaaliya sanadihii 2000 – 2011 dhamaan ciyaarihii cecafa ee uu ka qeyb galay mid kaliya ayuu ku guuleystay wuxuuna
Qaranka somalia 1 – 0 xulka Tanzania sanadkii 2009
Xulka Ethiopia 0 – 0 Xulkaka somalia sanadkii 2011
Qaranka Brundi 3 – 0 qaranka somalia, sanadkii 2007
Qaranka Brundi 2 – 0 Xulka somalia, sanadkii 2010
Qaranka Brundi 4 – 1 Qaranka somalia, sanadkii 2011
waxaana la war sugeynaa ciyaarta maanta uu xulkeena la yeelan doono dhigiisa Brundi oo xili dhow ka bilaaban doonta Mandela national stadium, iyadoo taageerayaal soomaaliyeed soo buux dhafiyeen magaalada iyo jidadka garuunka ayagoo soo kireysteen busas ku aadeyaan Garoonka oo ku yaal Namboole oo xaafada Soomaalida degto u jira 10 KM, Dhinaca kale xulkeena Soomaaliya wuxuu la ciyaari doonaa 28/11/2012 xulka Sudan , halka uu 1/12/2012 uu kulankiisa ugu dambeeya la yeelan doono xulka Tanzania.
Campala Uganda







