digg icon delicious icon

al shabab oo dhex galey dagaalada galgaduud.

December 2, 2012   //     //   Maqal, Warka

Xarakada al shabab   Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay kala dhex’dhigeen ciidamo Qabiilada Walaalaha ah ee ku dagaalamay Wilayaada Islaamigaa ee Galgaduud. Sheekh Xasan Yacquub wuxuu sheegay in ay sharci waajib ah tahay in Dad Muslimiina haddii ay dagaalamaan la kala dhexgalo.

 

Culimada iyo Ducaadda Mujaahidiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed markii ay dagaalamaana kala celiya oo ciidamo kala dhexdhiga, markii cadow kusoo duulana difaaca, halka Wadaadxumayaal ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah Kenya iyo Soomaaliya lagu xasuuqayo ay ka aamusan yihiin, Kaniisadahana u doodayaan ama ay ku mashquulsan yihiin Shirarka Dastuurada lagu samaynayo ama xisbiyada Faroole lagu gardaadinayo.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

 

Maxamed Xaamud.

Xafiiska warqabadka – Muqdisho somalia

gadowne@hotmail.com


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube