digg icon delicious icon

AMISOM; Hanjabaad loo direy Xarakada Al-shabab Mujaahidiin.

December 4, 2012   //     //   Warka

Taliska AMISOM ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ka geysta wadada isku xirta magaalada Marka iyo deegaanka KM 50 eegobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaasha AMISOM oo sheegey afjerida Al-shabab

Taliska ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen kadib markii labo weerar oo fashilmay ay ka dhaceen wadadaasi kuwaasoo lala eegtay kolonyo galbinayay wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo booqday gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

Taliyaha ciidamada AMSIOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa war qoraal ah ku sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto mudnaan siinta badbaadada shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray inay AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Jeneraal Gutti wuxuu xusay inay AMISOM sii wadi doonto ka taageeridda dowladda Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo xoog leh iyo sidii looga takhalusi lahaa khatarta kooxda al-Shabaab.

 

Wuxuu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga baahan yahay inaanay is-dhigan kaddib guulihii wax ku oolka ahaa ee kooxda al-Shabaab looga saaray magaalooyinkii waa-weynaa ee koonfurta Soomaaliya.

 

Hanjabaadda AMISOM waxay ku soo beegantay iyadoo afahyeenka howlgalka Al-shabaab C/casiis Abuu muscab, uu sheegtay in ay ku guuleysteen weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen madaxda dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Gadowne news

gadowne@hotmail.com

 


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube