digg icon delicious icon

Baro Farac Mirifle Reewing.

December 2, 2012   //     //   Maqaallo, Warka

hadana waxaan wax ka taabaneynaa sida uu Mirifle Reewing u farcamay, anagoo weliba kala saareyno dadka ay wada dhasheen iyo ruuxa waalid ahaa iyo ruuxa wiilka ahaa.

Wax ka baro meesha aad ka soo jeedo sida ay u abtirsadaan

 

Mirifle Reewing waxa uu dhalay laba wiil oo kala ah Cadde iyo Madoobe.

Cadde Mirifle Reewing waxa uu dhalay lix wiil oo la kala yiraahdo:

 

1}Quraabane Cadde
2}Barbaar Cadde
3}Daawane Cadde
4}Qorlabi Cadde
5}Heledi Cadde
6}Yantaar Cadde

 

Madoobe Mirifle Reewing waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo:

1}Cali Madoobe (Eelaay)
2}Dhargane Madoobe

 

Eelaay iyo Dhargane waxaa adeer u ah Cadde, waxeyna ilmo adeer ay yihiin caruurta Cadde.

Eelaay-na waaba la yaqaan waa aabihii Reer Mirifle Reewing.

Dhergane Madoobe waxa uu dhalay asagana laba wiil oo la kala yiraahdo:

1}Hariin
2}Hinjinle:

Labadan wiil waxaa adeer u ah Ali Eelaay, waxaa kaloo adeer labaad u ah caruurta Cadde sida: Heledi iyo Yantaar.

Hinjinle waxa uu dhalay todoba wiil oo la kala yiraahdo:

 

1}Disoow Hinjinle
2}Qoomaal Hinjinle
3} Eemid Hinjinle
4}Yalali Hinjinle
5}Haraaw Hinjinle
6}Bari Hinjinle
7}Daa’uud Hinjinle

 

Bari Hinjinle waa Leysaan Bari, Daa’uud-na lama hayo faraciisa.
Caruurtan Hinjinle waxaa adeer u ah Hariin, waxaana awoowe u ah Eelaay.
Disoow, Qoomaal, Eemid, Yalali, (Hinjinle) waxaa la isku yiraahdaa Boqol Hori.

 

 

Haraaw Hinjinle waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo Lawli iyo Garjeele, waxaana adeer u ah dhamaan caruurta Hinjinle oo ah awoowgood Garjeele Haraaw kaas oo uu dhalay sedex wiil oo kala ah Garseed, Hasan iyo Irir. Wiilashan waxaa awoowe u ah Haraaw, waxaana adeer u ah Lawli.

 

Garseed Garjeele Haraaw waxa uu dhalay afar wiil oo la isku yiraahdo: Afar Reer Baay, waxa ayna kala yihiin:

1) Macalin Weyne
2) Reer Dumaal
3) Jiroon
4) Garwaale.

 

 

gadowne@hotmail.com


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube