Dab ka kacey Boosaaso oo qasaaro gaarsiiyey dad shacab ah.
December 5, 2012 // admin1 // Warkamagaalada Boosaaso ayaa la sheegaya in uu dab xoogan ka kacay xerada Barakacayaasha (Boqolka Buush) ee Magaalada Boosaaso.
Waa loo soo gurmadey balse dhibaato ayaa gaarsiiyey hada waa la bakhtiiyay , hase ahaatee uu baabi’iyay Guryo badan oo ay lahaayeen Barakacayaasha ku sugan Boqolka Buush.
Dadka barakacayaasha ayaa caawo banaanka xerada ku hoyanaya, waxaana guryahooda inta badan ay noqdeen kuwa basbeelay.
Ma aha marki ugu horeysay ee dab uu ka kaco xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Magaalada Boosaaso,iyadoo inta badan uu khasaaro u geysto dadka ku dhaqan Xerooyinka Barakacayaasha ee Magaaladaasi Boosaaso.






