digg icon delicious icon

Digil & Mirifle oo ku howlan Maamul Cusub (South west of Somalia.)

December 4, 2012   //     //   Warka

Odayaasha dhaqanka DigilMirifle oo Madaxweynaha kala Hadley sidii maamul loogu sameyn lahaa K/Galbeed Somaliya.

Haddii hada hurda laga toosey Maamul Cusub oo la sameyey Muxuu keeni karaa waqtigan??.

Odayaasha dhaqanka Beelaha DigilMirifle ayaa kulan la qaatey madaxweyanaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo looga Hadley sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaanada K/Galbeed Somalia.

 

 

Malaaq C/Raxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in labada mas’uul ay kala hadleen sidii loo sameyn lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshe la wadey oo la doonayo in maamul loo helo deegaanadaasi.

 

 

Kulanka ayaa lagu sameeyay guddi, kaasi oo diyaarin doona sidii maamul loo sameyn lahaa.

SI kastaba, Odayaasha dhaqanka ayaa waday mudooyinkii ugu dambeeyay kulamo xoogan oo lagu qorsheynayay sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaanada K/Galbeed Somalia.

 

 

1)Sidee u aragtaa haddii hadda la sameyo maamul Cusub D&M ah?

2)Wakhtiga looga baahanaa  miyaa mise  kuma haboon?

3)Yaase maamuli doona  waqtigaan oo gacanta loo gelin doona shacabka  Digil Iyo Mirifle oo daaley?

4)Dowladda Federaal ah ayaa Jirto muxuu kaga duwanaan doona Maamulada jira hada?

5)Shariif Hasan Sheekh Ma u Qalmaa in madax looga dhigo Maadaama hor muud ka yahay abaabulka jirra?

6)Ma ku wada heshiin Doonaan maamulka mise wixii hore oo kale ayay u dhamaan doonaan?

Ugu dambeyn maxaa naga reebey  Umadda kale somalida ah qaabka ay u saan qaadeen, Maamuladda ka jirra?

 

 

Ra’gaa noogu soo hagaaji, iyo sida ay kula tahay arinta cusub ee soo food saartey D&M.

gadowne@hotmail.com

 

 

 


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube