digg icon delicious icon

Odey dhaqameed lagu diley Muqdisho.

December 5, 2012   //     //   Warka

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo aan la garan heebtooda inay toogasho ku dileen Nabadoon Maxamed Maxmuud Yusuf Cadey oo kamid ahaa 135-tii Oday Dhaqan ee soo xulay Xildhibaanada Barlamanka.

 

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Shabelle in Dilka uu ka dhacay Galabta uu u dhow guriga uu nabadoonka ka deganaa Xaafada Naxteexo oo ku taalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana intaasi ay ku daraan in Kooxahii fuliyay dilka ay Goobta ka baxsadeen.

 

Lama oga ilaa hadda Cida dishay Nabadoonka iyo Sababta loo dilay, hase yeeshee Xariiro kala duwan oo ay Shabelle la samaysay Maamulka Degmada ayaa sheegay inay wadaan Baaritaano ku saabsan dilka oo ay dib ula hadli doonaan Warbaahinta.

 

 

 

gadowne@hotmail.com.

 

 


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube