digg icon delicious icon

Qarax lala eegtey Ciidamada Puntland, ee Boosaaso.

December 5, 2012   //     //   Warka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goor dhow qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan Puntland, isla markaana khasaaro badan uu soo gaaray.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagula eegtay ciidamadaan wadada isku xirta magaalada Boosaaso iyo waliba deegaanka Galgala ee gobalka Bari.

 

Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gawaari ay wateen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

 

Miinadan ciidanka Puntland lagu qarxiyey ayaa ah nuuca meelaha fog fog laga hago kana dhacay inta u dhexeysa Boosaaso iyo buuraleyda Galgalo ayaa waxaa la sheegayaa in askari oo ka tirsan ciidamadii gaariga la qarxiyay la socday ay ku geeriyoodeen.

 

Ina la ogyahay waxaa ku dhintay kudhowaad 10-askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, sidoo kale waxaa jira askar kale oo halkaasi ku dhaawacmay oo la dhigay isbitalka magaalada Boosaaso sida ay wararku sheegayaan.

 

Lama sheegay dhimashada iyo dhaawacaba in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Puntland, inkastoo la xaqiijiyay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada.

 

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube