digg icon delicious icon

Xasuuqii Hotel Shaamow 03.12.2009.

December 3, 2012   //     //   Maqaallo

Hotelka Shaamow, maalinka khamiis, munaasbadda Xafalad qalin jabin bay aheyd, ka qeybgalayaashana waxa ahaayeen Arday, Waaliidiin, dhaqaatiir, macalimiin, Wasiiro arimaha bulshada ka shaqeynayay, wariyayaal xog doon ahaa dareenkuna mid farxadeed buu ahaa.

3sano ayaa ka soo wareegatey xasuuq loo geystey hotel shaamow 03.12.2009 ee maqaalada muqdisho.

Inkastoo qadarta halkeeda tahay hadana waxaa goobta ka dhacay arin lama filaan noqday, kaasoo ahaa markii hoolkii oo dhan ay is qabsaday mar qura uura madow, xanjiro dhiig, taahaa dhaawaca, iyo qeylada dadka naxdinta lama filaanka ah ay ku habsatay.

 
Falkaasi lama filaanka noqday wuxuu galaaftay nolasha dad ka badan 30 ruux oo isugu jiray dhaqaatiir, Aqoonyahano, Wariyayaal, Arday iyo wasiiro ka tirsanaa dowladda KMG ah oo goobta u tagay in ardayda qalin jabisay ay la wadaagaan farxadda Munaasabadaasi.

 
Waa xaqiiq in si siman looga wada uur-xumaaday dhibatada dhacday,Hotel shaamow.  balse waxaa xusid mudan in wasiiradii dowladda ee goobta ku dhintay ay ahaayeen kuwii ugu dhaq dhaqaaqa roonaa ee ay ku jirtay wadaniyada iyo dowlad jaceylka, sida Ibraahim Xassan Caddow oo iminka Arday uu deeq waxbarasho siiyay , Axmed C/llaahi Waayeel oo ka mid ahaa aas-aasayaashii waxbarashada nidaamiga ah ee Soomaaliya, Qamar Aadan Cali oo aheyd Dhaqtarad mar walba u taagneed badbaadinta bulshada.

 

 

 

Inkastoo Soomaalida meel walba oo ay joogta si weyn uga xanuunsatay dhacdaasi, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Haweenku ay ahaayeen kuwii ugu uurka nuglaa ee dhacdadaasi ka madax gilgilay iyadoona dibad baxyo, ka dhigay wadooyinka Muqdisho maalin kadib xiligii ay dhacday dhacdadada uur ku taalada dhalisay, Ururka Haweenka Nabadda iyo dib u heshiisiinta Hanad ayaa qeyb ka ahaa haweenkii arinkaasi ka dhiidhiyay.

 

 

Daawo.

 

heesta Qeylo-dhaan.

 

 

 

 

 

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube