digg icon delicious icon

Xisbi Cusub oo loogu dhawaaqey Boosaaso Puntland

December 4, 2012   //     //   Maqaallo, Warka

Hotel Jubba ee magaalada Bossaso ayaa looga dhawaaqey urur siyaasadeedka Horumarka iyo Cadaalada ee loo soo gaabsho Hor-Cad.

Xisbiyo Cusub oo ka furmey Bosaso Puntland

Masuuliyiinta dowladda ,Issimo ,Waxgarad ,Aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa ka qaybgalay wanqalka Ururkan ku soo biirey saaxada siyaasadeed ee Puntland.

 

 

Ganacsade Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka mida ahaa asaasayaashii Maxjarka Bossaso ayaa gudoomiye ka ah ururkan ,waxana dhowaan lagu wadaa inay ururo kale dhabahan ay qaadaan.

 

 

Dhamaan dadkii ka hadlay xafladan ayaa soo dhoweeyey urur siyaasadeedkan Hor-Cad oo ay sheegeen inuu yahay horumar ku soo siyaadey Puntland loona baahnaa in tiradu badato.

 

Tan iyo Marki Horseed Garowe looga dhawaaqey ayaa  waxa soo baxay Ururada kala Ah Ugub iyo Hor-Cad ,waxana dadweynuhu rajo wanaagsan ka muujinayaan hirgelida nidaamka axsaabta badan Puntland.

 

 


Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube