Qilaaf weyn ayaa ka taagan maamul u sameynta kismaayo Dhageyso Wareysi).
February 12, 2013 // admin1 // Maqal, WarkaWaxaa fashil kusoo idlaaday qorshe ladoonayay in maamul loogu sameeyo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan iyo ciidanka Kenya iyo maleeshiyada Axmed Madoobe.

Shalay gelinkii dambe waxaa garoonka diyuuradaha Kismaayo kasoo duulay wafdi metelayay DF-ka kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Kismaayo iyagoo ka qeyb qaadanayay shirar ay dowlada Kenya soo qaban qaabisay six al looga gaaro ismariwaaga dhanka maamulka Kismaayo.
Ilo wareedyo aan ka helnay Kismaayo waxay sheegayaan in lagu kala kacay kulankii ka socday jamaacadda Kismaayo,Axmed Madoobe iyo odayaal beeshiisa ah ayaa ku adkeystay in iyaga lasiiyo guddoomiyaha gobalka,taliyaha ciidanka iyo madaxa maaliyadda halka beelaha kale sida Mareexaan ay diideen in ay madax u naqdaan Axmed Madoobe iyo saraakiisha kale.
Waxaa kale oo qaabka wax usocdaan ka biya diiday odayaal iyo saraakiil magaca DF-ka ku metelayay kulanka,saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyaati ah oo magaca IGAD shirka uga qeyb gelayay ayaa iyana dhanka Axmed Madoobe lasaftay.
Mid kamida Odayaashii DF-ka metelayay ayaa Idaacadda Alfurqaan u sheegay in lagu fashilmay dhismaha maamul ay Kismaayo yeelato.
Somaliya Kismaayo.






