digg icon delicious icon

Wareysi: Falis Abdi Mohmamed ay siisey G.N.

April 25, 2013   //     //   Maqaallo, Suugaanta

Falis Cabdi Mohamed oo wareysi siisey  markii ay ku soo laabatey Nairobi, si ay u soo dhigto xaflado-nabadeed kooban oo si xiriir ah loo sameeyay kuwaa oo qayb ka ahaa Bandhig-Faneedkii Muqdisho.

 

Falis Cabdi Maxamed, oo ah 26 jir, xubinna ka ah kooxda hip-hopka waayaha Cusub, ee fadhigoodu yahay Nairobi, ayaa ku soo laabatay Soomaaliya Maarso si ay u soo dhigto xaflado-nabadeed kooban oo si xiriir ah loo sameeyay kuwaa oo qayb ka ahaa Bandhig-Faneedkii Muqdisho, oo ahaa kii ugu horreeyay oo ay ka qeyb qaateen kooxo kala duwan oo caasimadda lagu qabto tan iyo markii uu dagaalka sokeeye qarxay 1991-kii.

 

 

falis Abdi

Falis Cabdi Maxamed, oo xubin ka ah kooxda hip-hop-ka Waayaha Cusub oo ku sugan Studio Gadowne News oo ku yaal Nairobi.

Waxa iyada iyo Soomaali kale oo ku nool Nairobi ay wada asaaseen Waayaha Cusub 2004-tii kadib markii ay magaaladeedii Kismaayo dagaalo ka qarxeen. Sannadkii 2008-dii waxa ay guursatay fannaanka hor-joogaha u ah kooxda, ahna maamulaha kooxda, Akhyaar Cabdullaahi Cali, oo loo yaqaan Shiine Akhyaar

 

 

Falis waxa ay yoolkeeda ka dhigtay in ay gacan ka gaysato in ay dalkeeda nabad u keento, da’ yartana ay ka fogayso argaggixisonimada. Waxa ay Sabahi kala hadashay fankeeda iyo hankeeda.

 

 

 

Gadowne News: Sidee baad ku biloowday xiiseeynta fanka?

 

Falis : Waxaan bilaabay in aan heeso anigoo 13 jir ah. Aabahay waxa uu ahaa miyuusikiiste iyo sidoo kale biyaaniiste, adeerkayna waxa uu garaaci jiray gitaarka. Waxaan u maleeynayaa in ay taasi sabab u ahayd in aan fanka ku biiro.

 

Gadowne News: Maxaad doonaysaa in aad ku gaarto fankaaga?

 

Falis: Waxaan doonayaa in aan horumariyo xuquuqda haweenka lana dagaallamo argaggixisonimada anigoo adeegsanaya fanka. Waan ogahay ma awoodo in aan qaato [darayska] dagaalka iyo in aan tago furimaha dagaalka anigoo sita qoryaha fud fudud si aan ula dagaalamo argaggixisada, balse waxaan adeegsan karaa mikrafoonka iyo codkayga si aan maskaxda dhalinyarada uga fogeeyo xag-jirnimada oo ay markaa noqdaan [noqdaan] safiirrada nabadda. Aniga iyo kooxdayda waxaan rajaynaynaa in aan fankeenna u adeegsano in aan dhalinyarada ka dhaadhicino in ay ka baxaan hababkii hore ee colaadda ku dhisnaa.

 

Gadowne News: Waxaad dhawaan ka qeyb gashay wada sheekaysi xiriir ah oo si toos ah uga dhacay khadka internetka kaa oo ay maal-galisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Wax nooga sheeg arrintan.

 

Falis: Musalsalka waxa weeye barnaamij wada sheekaysi toos ah oo Soomaalida gudaha dalka ku nool ku xiraya kuwa dibadda jooga. Waxa lagu bar-tilmaameedsadaa dhaq-dhaqaaqayaal, fannaaniin, Soomaali kale oo khibrad dheeraad ah u leh dhinacyo kala duwan iyo muwaadiniin caadi ah. Waxa uu noocyada kala duwan ee Soomaalida dibadda ku nool u oggolaanayaa in ay dhex-galaan dadkooda iyo bulshada guud ee Soomaaliya ku nool.

 

Marka laga soo tago in la igu marti-qaaday, waxan uga qeyb-galay sababtoo ah kaalinteeyda kooban ee ka fannaan ahaan, ayaan waxan dareemay in ay mas’uuliyadi iga saaran tahay dhameynta dagaallada xag-jirnimo ee Soomaaliya ka socda. Waxaan rajaynayaa in barnaamijka uu gacan ka gaysan doono helitaanka rajada iyo aqoonta loo adeegsan karo in dib loogu dhiso Soomaaliya.

 

Waxaan sidoo kale uga qeyb-galay in aan dunida oo dhan tuso  gaar ahaan Soomaalida  in haweenku ay dowr ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka.

 

Gadowne News: Dowr caynkee ah ayay haweenku ku leeyihiin dib-u-dhiska Soomaaliya?

 

Falis: Waxaa jira dowrar kala duwan oo ay haweenku cayaari karaan,  hooyooyinka dhalinyarada lagu madax-rogay fikradaha xag-jiriinta. Waa in nay ka bilaabaan la hadalka raggooda kadibna caruurtooda. Balse xaalku sidaa uma dhicin, maxaa yeelay intooda badan waxa ay aqbaleen in hoos loogu dhigo in ay jikada ku jiraan.

 

Waa waqtigii haweenka Soomaaliyeed ay usoo bixi lahaayeen in ay talo ku yeeshaan mustaqbalka Soomaaliya. Tani waxaa kaliya oo lagu bilaabi karaa iyagoo dib ula soo noqda maqaamkii ay ku lahaayeen guryahooda — kaliya ma ahan in ay quudiyaan qoysaskooda, laakiin sidoo kale ay ku duwaan waddada saxda ah ee loo mara nabad-kuwada-noolaashaha.

 

Gadowne News: Waa maxay dowrka miyuusika iyo fanku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Soomaaliya?

 

Falis: Marka lagasoo tago in uu yahay madadaalo dadku ka helaan qoob-ka-cayaar iyo qosol, waa aalad awood leh oo loo adeegsan karo in dadka lagu baro dhaqanka Soomaalida, dhalinyaradana lagu baro qiyamka loo baahanyahay in [dib loogu dhiso] dalka. Fanka, waxa lagu gaari kartaa kumanaan kun oo qof.

 

Gadowne News: Sidee Soomaalida dibad joogga ah iyo dhalinyarada Soomaaliya ku nool ay uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska?

 

Falis: Marka hore, kuwa dibadda ku nool waa in ay ogaadaan in aysan jirin wax la mida dhulka hooyo, qof walba oo naga mid ah oo dibadda ku noolna ay tahay in uu xoogga saaro dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya. Tani waxaa lagu sameyn karaa inagoo ku yabooheeyna xirfadaheena — hadday ahaan lahayd la hadlidda dadweynaha, ammaanka, tababaridda amaba xirfadaha ganacsiga — oo loo samaynayo dadkeena Soomaaliya ku nool.

 

Dhalinyaradu waa in ay maanka ku haysaa in marka ay gubayaan Soomaaliya, in ay gubayaan mustaqbalkooda. Sidaa daraadeed waa in ay horseed u noqdaan horumarinta nabadda iyo in ay laabta isa saaraan si ay u xaqiijiyaan mustaqbal ifaya.

 

Gadowne News: Waahaya Cusub waxa ay goor dhow soo gabagabeeysay bandhig-nabadedkii Soomaaliya. Maxaa kaaga baxay safarkii? Maxay kooxdiinu soo qabatay?

 

Falis: Tani waxa ay aheyd xafladdeenii ugu weyneyd, uguna horreysay ee Muqdisho. Xafladaha noocan oo kale ah lama qaban tan iyo 1991-dii, markii [dagaalka sokeeye uu qarxay].

 

Waxaan filayay colaad nalaku soo dhaweeyo [maxaa yeelay al-Shabaab ayaa miyuusika mamnuucay markii ay ka talineeysay magaalada], balse waxaan la yaabay, dad tiro badan ayaa isku soo baxay si ay noo soo dhaweeyaan una dhagaystaan farriinteena isbaddalka iyo rajada, iyadoo ay jirto xaqiiqda ah in Muqdisho ay wali nugul tahay.

 

Waaxaa ii baxay in dadka Soomaaliyeed ay si gaar ah ugu baahan yihiin farriinta nabadda. Balse waa in qaab cusub loogu sheegaa, ma ahan in xoog la adeegsado.

Gadowne News: Maxaa arrintan Waayaha Cusub u xiga?

 

Falis: Wali waxaan aniga iyo kooxda inteeda kale wadnaa istiraatijiyeeyn, balse waxaan hubaal qorshaynaynaa xaflado badan oo Soomaaliya ka dhaca iyo heeso dheeri ah oo aan ka sameeyn doonno sida ay dhalinyarada iskaga caabbin karaan argaggixisanimada. Waxaan qeybin doonnaa [farriintan] inagoo adeegsanayna shabakadaheenna Soomaaliya si dhalinyarada ay u helaan xirfad nololeed ku aaddan sidii ay naftooda uga jari lahaayeen xag-jirnimada.

 

Gadowne News: Fikraddaada marka laga hadlayo, Maxaa xaalkan Soomaaliya u xiga?

 

Falis: Dagaalkii looga soo hor jeeday dagaal-oogayaasha mar hore ayaa lagu guulaystay, balse hoggaanka siyaasadda Soomaaliya ayay u taal in ay u arkaan in daganaashaha qaranku lagu gaari karo in dadka la mideeyo iyadoo loo marayo in si siman loo qeybiyo kheyraadka qaranka iyo sidoo kale in dadka laga qayb-galiyo go’aan-qaadashada. Waa in ay sidoo kale

 

 

 

 

Gadowne News  Nairobi  Kenya

gadowne@hotmail.com

W/Q: AbdiRashiid/Deerow.

Lausanne Swiss

Dhiibo Ra'igaa (0)

Comments are closed.

Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Youtube