Gadowne News.

Abdi Naasir seeraar, oo degaal ku hanjabey.
C/naasir Seeraar oo ka mid ah madaxda maamulka Kismaayo ayaa si caro leh uga hadlay xaalada ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

seraar wuxuu si cad u sheegay inaysan faraha ka laaban doonin dhaq dhaqaaqa Dowlada FD soomaaliya ay ka wado kismaayo isagoo ku eedeeyay madaxda Dowlada inay ka shaqeynayaan dagaalo ka qarxa magaalada Kismaayo.

Col. Seeraar wuxuu daboolka ka qaaday dhaqa dhaqaaqyada Dowladu ka wado kismaayo ay ka mid tahaya gudiga ay soo direen oo wada inay beelaha la shir shiraan si xiisad colaadaad ay u kiciyaan.

C/naasir Seeraar oo caro badan ay ka muuqatay ayaa ku hanjabay inay dagaal la geli doonaan CiidamadaDowlada ee Kismaayo ku sugan kuwaasoo sida uu sheegay laga shaqeynayo sidii ay magaalada colaad uga hurin lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu beeniyay oo waxkama jiraan ka soo qaaday wararka sheegaya in Idag soo saartay warmurtiyeed ay ku sheegeyso inuu sharci daro yahay doorashadii Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe.

Si kastaba Seeraar wuxuu carabka ku adkeeyay inay cid kasta oo Dowlada ka tisan ay la dagaali doonaan hadii ay joojin dhaq dhaqaaqyada amniga wax u dhimaya.

Xafiiska Garoowe

gadowne@hotmail.com

Ahmed madowbe oo fariin hanjabaad ah direy.
Hogaamiyaha Raaskanbooniyiinta Axmed Madoobe oo urur gobaleedka IGAD

ay meel cad ka soo qaadeen halgan uu waayihii danbe weday ayaa waxa uu la hadlay idaacada BBC-da isaga oo sheegay in Kismayo ay colaad faraha la geleyso sababo laxariira waxa uu ugu yeeray fara gelinta dowaladu ku hesyo.

hanjabaad iyo caro ayaa ka muuqata axmed madoobe war bixinta IGAd soo sartey.

Axmed Madoobe ayaa yiri, “Dowlada Soomaaliya fara gelin xooggan ayeey ku heysaa deegaanka. Niman sheeganaya in ay madaxweynayaal yihiin oo iyadu ay qarashka ka dhiibeyso ayeey halkaan ku soo gurtay. Waan ognahay danta ay leedahay doladu. Waa colaad waxa ayna tahay mid lama huraan ah”.

Axmed Madoobe waligii kama dhawaajin in colaad ay ka dhici doonto Kismaayo, waxaana arintaasi dad badan oo wax ka qora arimaha laxariira jabhadeynta iyo xukun qora ku raadiska ay sheegeen in ay tahy mid uu uga jawaabayo go’aankii IGAD ee ahaa in dowlada Soomaaliya ay qabato shir ka dhaca Muqdisho oo leesugu keenayo dhinacyada Jubaland maamul kumeel gaar ahna la sameeyo iyada oo lahadal hayo in maamulkaasi dowladu aysan ku dari doonin Axmed Madoobe.

Urur gobaleedka IGAD ayaa waxa ay isla garteen in wixii ka dhacay Kismaayo ay ahaayeen wax hareer marsan dastuurka Soomaalida sidaa darteed aan cid aqoonsani jirin arintaas oo murugo ku reebtay dadkii ololeynta xoogan ugu jiray maamul uu hor boodayo Axmed Madoobe oo ka hana qaada deegaanada Jubaland.

gadowne@hotmail.com

Warbixin: 299 kufsi oo ka dhacey hargeysa.
Falalka kufsiga ayaa sare u kacay magaalada Hargeysa iyadoo sannadkii 2012 iyo afartii bilood

ee sannadkan horreeyey oo aanay bishan May ku jirin ay dhaceen 299 kufsi oo kala duwan.

Xarunta Baahi-koob oo hoos tagta wasaaradda caafimaadka Somaliland kana shaqaysa wax-ka-qabashada iyo daba-galka falalka kufsiga, ayaa idaacadda Hirad u xaqiijiyey in sannadkii hore ee 2012-kii inay Hargeysa ka dhaceen 195 Kufsi oo 67 ka mid ahi ahaayeen hablo caruura oo da’doodu ka yarayd shan iyo toban jir iyo 19 wiil, halka afartii bilood ee sannadkan 2013-ka ay dhaceen 104 kufsi.

Caasha Cabdi Rooble oo ah madaxa xarunta Baahikoob ayaa noo sheegtay in marba marka ka sii danbaysa ay falalka kufsigu kor u sii kacayaan, iyadoo tilmaantay in afartii bilood ee ugu danbeeyey sannadkii hore ay dhaceen 94 kufi, taasoo marka la barar-dhigo afarta 4-tii bilood ee sannadkan oo ay dhaceen 104 ay u dhaxayso 10 kufsi.

Waxa kale oo ay Caasha Cabdi sheegtay in sannadkii hore guud ahaan kufsiyadii dhacay in 67 dacwado ay Maxkmadda galeen, halka ay maxkamaddu go’aan ka gaadhay 17, 24 kalena booliska dib loogu ceeliyey si ay baadhitaan qotodheer ugu sameeyaan. 28 kalena lagu xalliyey xeer-dhameed amma hab dhaqan. Waxaana ay Caashi sheegtay in inta badan falalka kufisiga dadka gaystaa ay baxsadaan.

Marka la sii dhex galo xog-uruurinta iyo war-bixinaha ay Baahi-koob ka diyaariso falalka kufsiga waxa ku cad in sannadkii 2012kii gaar ahaan afartii bilood ee ugu danbeeyey ay kufsiyadani dhaceen; Sebtember 25 kufsi, October 22 kufsi, November 24 Kufsi iyo December oo ay dhaceen 23 Kufsi. Marka la barbar-dhigo afartii bilood ee sannadkan 2013-kan sida ay wax u kala dhaceen oo ah; January 27 kufsi, February 25 kufsi, March 28 kufsi iyo April oo ay dhaceen 24 kufsi. Bishan aynu ku jirno ee May weli war-bixinteedii lama soo saarin. Waxa idiin muuqanaysa in faraqu yahay 10 kufsi.

Garyaqaan Cabdi Maxamuud oo ka mid garoorayaasha maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa noo sheegay in maxkamaddu afartii bilood ee sannadkan ay go’aan ka gaadhay 6 fal-danbiyeed oo kufsi ah, isla markaana ay jiraan dacwado kale oo maxkamaddu gacanta ku hayso.

Haddaba, maxaa sababay in kufsigu sare u kaco magaalada Hargeysa, Maxaase is beddelay. Waxa aanu su’aashan waydiinnay Caasha Cabdi Rooble madaxa xarunta Baahi-koob: “Daba-gal badan kumaannaan samayn, balse waxa aanu isleennahay dhalinyaradii oo kooxo samaystay oo xaafad kasta waxa ka jira kooxo dhalinyaro ah oo isgaashaan-buuraysta oo waxa ay rabaan samaynaya. Ta labaad waxa kordhay soo gudbinta wararka ku saabsan kufsiga ka dib markii aanu wacyigelin badan samaynnay isla markaana aanu meelo kala duwan ku dhejinnay boodhadh, tabaro badanna la bixiyey ayay dadkii fahmeen inay adeeg heli karaan.” Ayay tidhi Caasha Cabdi Rooble,

Gadowne News, Hargeysa.

gadowne@hotmail.com

Ethiopia & Somalia oo wada hadley.
Xukuummadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u gudbisay dawladda Ethiopia

waxay kaga hadashay sida ay uga xun-tahay hab-dhaqanka ay ula macaamisho Somaliland, oo ay ku tilmaantay Soomaaliya in ay tahay mid wiiqaysa heshiiska dawladaha somaliya iyo itoobiya.

Warqad la sheegay inay ka baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa la gaadhsiiyay dowladda Ethiopia, taasoo sida la sheegay ku saabsan cabasho la xidhiidha wada-shaqaynta Somaliland iyo Ethiopia.

Warqada qoraalka ah ee la sheegay inay ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ee la gaadhsiiyay dawladda Ethiopia, ayaa sida ay baahiyeen Shabakadaha wararka ee Soomaalidu waxa uu dawladda Soomaaliya Itoobiya kaga dalbatay inay jarto Xidhiidhka adag ee ay la leedahay Somaliland, iyadoo Warqaddaasi lagu qoray in dowladda Ethiopia Somaliland ula dhaqanto si aan waafaqsaneyn Nidaamka iyo Heshiisyadda labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen.

Warqadaasi ayaa lagu qoray in Dowladda Ethiopia ay si dadban u dhaawacayso Axdiyadii ka dhexeeyay Labada dal, waxaana sidoo kale, lagu xusay in Somaliland ay Beesha Caalamka u aqoonsan tahay Maamul ka tirsan Somalia, loona baahan yahay in dalka Ethipia-na uu taa ogaado oo uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya.

“Somaliland waa maamul-goboleed ka mid ah dalka Soomaaliya, Xukuummadda Soomaaliya-na waxay qaadaysaa jidkii uu ku iman lahaa nidaamka Federaalku iyo in maamulka Somaliland la go,doomiyo Ethiopia-na waa inay taa ogsoonaataa.”Weedhahaas ayaa lagu yidhi qoraalka ay Xukuummadda Soomaaliya u dirtay dawladda Ethiopia, sida Shabakadaha wararka qaarkood lagu faafiyey xalay.

Waxa uu qoraalka dowladda Soomaaliya ee la sheegay inuu gaadhay dhiggeeda Ethiopia, ayaa muujinaaya in Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid ay qaadeyso tallaabooyin ay isku dayeyso inay Somaliland kaga soo xidh-xidho dalalka caalamka ee xidhiidhka fiicani ka dhexeeyo qaarkood. Waxaanu qoraalkani ku soo beegmay maalmo ka dib markii uu toddobaadkii hore Raysal-wasaaraha dawladda Itoobiya sheegay inuu Somaliland ka difaacayo culays kasta oo ku yimaadda, kaasoo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qoraal Mahad-naq ah u gubiyey sida warbaahinta qaarkeed lagu faafiyey.

Geesta kale, Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa War-Saxaafadeed uu ka soo saaray shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisu, waxa uu kaga hadlay dhawr qodob oo uu ka mid yahay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya oo bisha soo socota lagu qaban doono sida la filayo magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga oo bishii hore Caasimaddiisa Ankara lagu qabtay kulan ay labada dhinac ku wadahadleen, heshiis toddoba qodob ka koobanna ku kala saxeexdeen.

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaannu gaadhno Soomaaliya oo mid ah; isla markaana federaal ah. Waddada aan u hayno jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha naloo igmaday. Waxaan doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ahna ma doonayno.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid

IGAD, oo ka hadley Arinta Kismayo.
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha

magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

waxayna ku booriyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka.

kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya , iyadoo la dajinayo qorshe nabadeed oo ku aaddan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGAD ayaa kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada iyadoona ay hogaamin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in warmurtiyeedka horudhaca ah ee kasoo baxay wasiirada arimaha dibadda IGAD uu yahay mid ay ku faraxsan tahay dowladda Soomaaliya waxayna sheegtay in la meelmariyo dalabkii dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in dowladdu ay IGAD ka dalbatay in dhamaan dhinacyada ku loolamaya maamulka gobolada Jubooyinka la iskugu keeno shir dib u heshiisiin oo lagu xalinayo khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanta  siyaasiyiinta Jubooyinka.

waxayna daboolka ka qaaday in dowladu aysan maamul u dhisi doonin goboladaas balse ay door ka ciyaari doonto isku keenka bulshada Jubooyinka si ay aayahooda uga tashadaan isla markaane ay u dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin dadka deegaanadaas ku dhaqan.

Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in shirka wasiirada arimaha dibadda IGAD laga akhriyey warbixin ay soo diyaariyeen gudi xaqiiqo raadin ah oo ka socday IGAd kuwaas oo socdaal ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.waxayna tilmaantay in caawa la filayo in madaxweynayaasha IGAD ay meelmariyaan warmurtiyeedka ay isku raaceen wasiirada arimaha dibadda urur goboleedka IGAD.

Gadowne News Addis ababa

gadowne@hotmail.com

Qarax ka dhacey Beledweyne.
Warar ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax duhuradii

maanta halkaasi lagula eegtay ciidamada Itoobiya inay sababtay khasaare soo gaaray ciidamadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 2 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi markii uu haleelay xili ay wadada marayeen.

War dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qaraxu ka dhacay laanta irid amioin ee xaafada Xawo taako ee Magaalada Baladweyne islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo askari oo Itoobiyaan ah.

“labo askari oo itoobiyaan ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa mana jirto khasaare kale oo qaraxaasi uu gaystay sidoo kale ma jirto wax rasas ah oo ay rideen itoobiyaanka qaraxa kadib”ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Boliiska B/weyne Cali dhuux Cabdi.

Qaraxa ayaa maanta duhuradii ka dhacay Baladweyne xili wadada dhankeeda miinadu lagu aasay kadibna lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo wadada marayay.

Xafiiska Muqdisho

gadowne@hotmail.com

Dowlada Syria oo aqbashey wada hadalka Mucaaradka.
Dowlada Siirya ayaa warar ay shaaciyeen lagu sheegay inay diyaar u yihiin shirka wadahadalka

ee lagu wado bisha soo socota inuu ka dhaco magaalada Geneva.

Bashar Al Assad Madaxweynahay suuriya oo ogolaadey wada hadalka mucaradka..

Saxaafada Caalamka oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada Ruushka ayaa sheegay in xukuumada Bashaar Al Assad ay diyaar u tahay inay wafdi u soo dirto shirka ay qaban qaabinayaan wadamada Maraykanka iyo Ruushka.

Mucaaridka dalka Siiriya ayaa dhankooda sheegay in aysan aqbali doonin in Madaxweyne Bashaar Al Assad uu xukunka sii hayo, halka dowlada Siiriya ay sheegayso in uusan gor gortan geli Karin xilka Madaxweynaha.

Golaha Isbaheysiga Mucaaridka oo hada ku shiraya dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inay dhawaan soo saaraan qodobada ay ku xirayaan wadahadalka la doonayo in la dhex dhigo dhankooda iyo Dowlada Siiriya.

Police woolwich, oo 2 qof la xirey.
Booliiska wadanka Ingiriiska oo shalay baaritaano dheeraad ah ka sameeyey magaalada London

ayaa xabsiga dhigay labo qof oo loo heysto inay ku lug lahaayeen weerarkii Arbacadii ka dhacay xaafada Woolwich ee koonfurta London.

Booliiska oo baaritaano ku sameeyey lix guri oo kala gedisan ayaa la xaqiijiyey inay xireen nin iyo haweenay 29 sano jir ah oo la sheegay in loo xiray arrimo la xariira weerarkii ka dhacay Woolwich ee lagu dilay mid kamid ah Askarta Militariga ee dalka Ingiriiska. Weli faah faahin lagama bixin danbiyada loo heysto labadan qof.

Booliiska ayaa weli illaalo ka haya labadii nin ee dilay Askariga ka tirsan Militariga Ingiriiska, labadaasi nin oo hada lagu hayo labo isbitaal oo kala gedisan, waxaana soo gaaray dhaawacyo culus kadib markii ay Booliiska rasaas ku fureen daqiiqado kadb weerarkii Woolwich.

Labada nin ee dilka geystay gaar ahaan kii saxaafada ay soo qaadatay isagoo ka hadlaya sababta ay dilka u geysteen ayaa magaciisa lagu sheegay Michael Abedaloja, kana soo jeeda dalka Najeeriya (Nigeria).

Ninkan ayaa la sheegay in horaantii Sanadkii 2000 uu diinta Islaamka qaatay, waxayna dadka yaqaana ku tilmaameen nin dhalinyaro ah oo dadka jeclaa inuu caawiyo, ninka labaad ayaan weli wax faah faahin ah laga bixin meesha uu kasoo jeedo.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Lee Rigby wuxuuna kamid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee kasoo dagaalamay dalka Afghanistaan, waxaana la sheegay in haweenaydiisa ay kamid tahay askarta hada ku sugan dalka Afghaanistaan.

Labada nin ee dilka geystay waxay ku tilmaameen falkoodaas inay ugu aargudayeen xasuuqa ay ciidamada Reer Galbeedka ka geystaan wadamada Islaamka.

Dowlada Ingiriiska ayaa sare u qaaday ciidamada illaaliya xarumaha Militariga ee dalka Ingiriiska, waxaana sare loo qaaday tirada Booliiska ee wadooyinka isha ku haya, iyadoo aan la aqoon in weerarkii Arbacada uu qeyb ka yahay weeraro kale ee qorsheysan.

Rabshado ka dhacey Sweden.
Dhoorkii Habeen ee lasoo dhaafay waxaa rabshado xoogan ka socdeen xaafado kamid ah Caasimada

Dalka Sweden ee Stockholm gaar ahaan Xaafadaha ee ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah ee ku nool Dalkaasi.

Dhalinyaro careesan ayaa xaafada Husby waxa ee ku gubeen gawaari badan iyo goobo ganacsi iyadoona Rabshadaha ee noqdeen kuwa habeebna habeenka ka dambeeya sii xoogeesta kuna faafa xaafado kale oo dhoor ah.

Dadkan Rabshadaha wada ayaa la sheegay in ee ka careesan yihiin Shaqo la’aan halka Warar kalana sheegayana in ee ka caroodeen in Oday ah ay dileen Ciidamada Booliiska ee Magaalada Stockholm.

Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ee ka dhaceen xaafada Rinkeby oo ah xaafad ee ku badan yihiin Soomaalida waxaana halkaasi lagu gubay gawaari dhoor ah , Soomaalida ayaana la sheegay in saameyn xalay ku yeelatay rabshadahaasi.

Soomaalida kunool Xaafadaha ee rabshadaha kasocdaan ayaana ahaa kuwa habeenadan aan banaanka usoo bixin guryahooda dhaxda ka xirtay iyagoo ka cabsi qaba in ee saameyn ku yeelato rabshadaha kasocda Halkaasi.

Md, oo u safrey Ethiopia.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo

ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamanka ahna ku simahada Madaxweynaha, R/wasaaraha dalka, xubno ka tirsan labada gole iyo saraakiil ciidan.

Afhayeenka madaxweynaha C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa warbaahinta uga warbixiyay socdaalka Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ay ku tagayaan magaalada Addis Ababa.

Waxa uuna sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb galayo munaasabada sanad guurada 50-tanaad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay midowga Africa

gadowne@hotmail.com